Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa lagu daray liiska marsooyinka ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay daraasad ay si wadajir ah u sameeyeen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.
Daraasadda lagu cabbiray sida lagu sheegay warbixinta halbeegga CPPI (Container Port Performance Index) ayaa muujisay in dekedahaasi qabteen shaqooyin badan marka la barbar dhigo marsadaha kale ee gobolka, iyadoo lagu qiimeeyay waqtiga uu markabku ku qaato inuu yimaado dekadda iyo inuu ka shiraacdo.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay natiijadan, iyada oo ku tilmaantay guul muhiim ah oo ay gaareen dekedaha Muqdisho iyo Berbera ee dalka.
Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu xusay in daraasadda la daabacay 24-kii Sebteembar 2024 lagu qiimeeyay 407 dekedood oo caalamka ku yaalla, waxaana ku jiray 47 dekedood oo Afrika ah.
Dekedda Muqdisho ayaa noqotay tan ugu horreysa Bariga Afrika, halka ay caalamka kaga gashay kaalinta 163-aad.Dekedda Berbera ayaa noqotay kaalinta labaad ee Bariga Afrika, iyadoo caalamka kaga jirta kaalinta 243-aad.
Arrintan ayaa ka dhigan in labada marsadood ay waxqabadkooda dhaafeen dekedaha facaweyn ee gobolka, taas oo sare u qaadaysa kaalinta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV