Maxaad ogtahay cunaqabataynta maanta dhaqan gashay ee Iiraan lagu soo rogay?

Waxaa maanta si buuxda u dhaqan gashay cunaqabatayno Qaramada Midoobay ah oo ka dhan ah Iiraan taas oo la xiriirta barnaamijkeeda nukliyeerka, ka dib markii ay guuldaraysteen dadaalladii diblumaasiyadeed lagu doonayay in lagu kordhiyo heshiiskii 2015-kii ee dhexmaray waxa loogu yeero quwadaha waa weyn iyo Iiraan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ay dhaqaajiyeen waxa loo yaqaan “habka dib u soo celinta deg deg ah” iyagoo ku andacoonaya in Tehran aysan u hoggaansamin ballan-qaadyadeeda.

Haddaba waa maxay cunaqabatayntan iyo ujeeddooyinkeeda?

Cunaqabatayntu waxay diiradda saaraysaa shirkadaha, hay’adaha, iyo shakhsiyaadka si toos ah ama si dadban uga qayb qaata barnaamijyada nukliyeerka iyo horumarinta gantaallada ballistic ee Iiraan, oo ay ku jiraan iibinta qalabka, khibradda, ama maalgelinta, tallaabooyinkuna waxaa ka mid ah:

* Mamnuucidda iibinta ama gudbinta hubka caadiga ah ee Iiraan.
* Mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta, ama wareejinta qaybo ama tignoolajiyada la xiriirta barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ballistic.
* Qabashada hantida shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku lug leh barnaamijyadan ee dibadda.
* Mamnuucidda dadka ku lug leh hawlaha nukliyeerka ee la mamnuucay inay u safraan dalalka xubnaha ka ah Qaramada MidoobaM.
* Xaddididda helitaanka adeegyada bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee taageeri kara barnaamijyadan.

Iyadoo ay weheliyaan cunaqabataynta Qaramada Midoobay, Midowga Yurub ayaa laga yaabaa inuu dib u soo rogo cunaqabatayn gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha Iiraan si loogu cadaadiyo Tehran inay u hoggaansanto, oo aysan oo keliya joojin barnaamijka nukliyeerka. Waxaa la filayaa in shirkadaha maraakiibta ay si weyn ula kulmaan saameyntan.

Tani waxay ku soo beegmaysaa welwelka reer Galbeedka ee ku saabsan in Iiraan laga yaabo inay haysato hub nukliyeer ah, taas oo Tehran si adag u beenisay, iyada oo adkaynaysa xaqa ay u leedahay inay horumariso barnaamij nukliyeer ah oo loogu talagalay ujeeddooyin rayid.

“Habka dib u soo celinta deg degg ah” wuxuu oggolaanayaa dib-u-soo celinta go’aamadii hore ee Qaramada Midoobay, laakiin hirgelintiisa dhab ahaan waxay u baahan tahay in la cusboonaysiiyo sharciyada dalalka xubnaha ka ah si loo suurtogeliyo adeegsiga cunaqabataynta.

Waxa ay ku xirnaan doontaa Midowga Yurub iyo Britain inay qaadaan tallaabooyinka qaanuun ee loo baahan yahay, in kastoo midkoodna weli faahfaahin ka bixin habka hirgelinta.

Sidee loo soo rogaa cunaqabataynta?

In kasta oo go’aannada Golaha Ammaanku ay waajib ku yihiin dalalka xubnaha ka ah, haddana u hoggaansanaantoodu way kala duwanaan kartaa. Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka mid ah dalalka u arka adeegsiga hab u soo celinta canaqabateynta mid qaanuunka ka baxsan waxayna dooran karaan inaysan raacin.

Dalal qaarkood, oo uu ku jiro Shiinaha, ayaa sidoo kale sii wada ganacsiga Iiraan inkastoo ay jireen cunaqabatayntii hore ee Maraykanka, taas oo ka dhigaysa mid aan caddeyn sida Beijing oo iibsata qaybo badan oo shidaalka Iiraan uga jawaabi doonto cunaqabataynta cusub.

“Waxaa jira qiime siyaasadeed iyo dhaqaale oo laga bixinayo hareerka maraynta cunaqabataynta, maadaama macaamilada maaliyadeed ay noqdeen kuwo qaali ah,” ayuu yiri Clément Terme, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Sorbonne.

Shirkadaha maraakiibta ayaa ka mid noqon doona ganacsiyada si xooggan u saamayn doona. “Marka laga hadlayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay ma filayno in la arko xanibaad buuxda, balse waxaa jiri doona kordhinta kharashyada,” ayuu yiri Terme.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed