Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo looga hadlay garab istaagga amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida.
Shirkan ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, waxaana ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha, kuwaasoo xoogga saaray maalgelinta howlgalka AUSSOM.
Intii lagu guda jiray shirka, Dowladda Federaalka iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa taageerada maaliyadeed ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee AUSSOM.
HBN ONLINE TV