Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi gaar ah oo laga qaaday hadlay qorshihiisa siyaasadeed, caqabadaha dowladda horyaalla, dooda mucaaradka ee ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo su’aasha ku aaddan in uu damacsan yahay muddo kororsi.
Madaxweynaha oo wareygsigaan ay ka qaaday BBC ayaa marka hore sheegay in Dastuurka ku-meel-gaarka ah uu oggol yahay dib-u-eegis iyo wax ka beddel, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “Dastuurku Qur’aan ahayn, waxna laga beddeli karo oo la dhammaystiri karo.”, waana dood in badan ka taaganayd arimaha dastuurka.
Xasan Sheekh ayaa xusay in arrimaha siyaasadda ay si wadajir ah uga wada hadlaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, wixii lagu heshiiyaana loo gudbiyo Baarlamaanka. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanku xaq u leeyahay wax ka beddelidda qodobada uuna ku dhaqaaqay, balse aanay dowlad-goboleedyadu ka soo horjeedin.
Wuxuu ku tilmaamay dooda mucaaradka mid indha la’aan ah sida uu hadalka u dhigay oo shacabka lagu wareerinayo, isagoo sheegay in markii ay tartanka ku jireen ay dadka ka hor sheegeen inay dastuurka dhamaystiri doonaan, ayna dalka doorasho qof iyo cod ah ka qaban doonaan, balse hadda doodooda ay tahay in wax isbeddel ah aanay rabin.
“Mucaaradka waxay ugu dambeyn soo istaageen dastuurkii 2012 sidiisa haloo dhaafo. Rag badan oo mucaarad ayaa soo hor istaagay Baarlamaanka waxayna lahaayeen dastuurka aan dib u eegis ku samaynaa oo aan dhamaystirayaa, dalkane doorasho qof iyo cod ahaan qabaa — Aniga maanta samaynaayo waa waxaan dadka Soomaaliyeed hortiisa ka balan qaaday” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mar la waydiiyey arrinta muddo kororsiga, madaxweynuhu wuxuu caddeeyey inuusan qorsheynin arrintaas, isagoo yiri “Muddo kororsi qorshahayga kuma jiro. Waqtigii hore ninkii muddo kororsi diiday aniga ayaa ahaa, Maanta inaan aniga muddo kororsi u cararo ma dhici karto, qorshahaygane kuma jirto, Ninkii ibedelayna markuu muddo kororsi aqbalay ninkii diiday aan ahaa. muddo kororsi waxba ma anaan ku salaysan. wixii sharcigu inoo ogolyahay ayaa aan diyaar u nahay.”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay inuu weli ku taagan yahay ballanqaadkiisii ahaa in la dhammaystiro Dastuurka iyo in dalka loo horseedo doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay horay u sameysay guddi madax-bannaan iyo hannaan sharci ah oo lagu dhaqmo marka dib-u-eegista Dastuurka la sameynayo.
Ugu dambayne, wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ku dadaalayso in dalka ay ka hirgasho dimuqraadiyad dhab ah, isla markaana shacabka xor u noqdaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.
HBN ONLINE TV