Maamulka Galmudug ayaa si adag uga hortimid falkii dhawaan lagu dumiyey laguna gubey Masjidka Al-Raxmaan ee degmada Huurshe ee gobolka Galgaduud, dhacdo si caro leh uga falcelisay bulshada deegaanka.
Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tallaabo sharci ah oo degdeg ah laga qaadi doono dadka ka dambeeyey falkan, iyadoo la horgeyn doono caddaaladda. Wasaaradda ayaa falkaan si adag cambaaraysay.
“Waxaanu si buuxda u xaqiijinaynaa in wasaaraddu, iyada oo kaashaneysa garsoorka iyo laamaha amniga, ay qaadi doonto talaabooyin sharci oo degdeg ah, si cid kasta oo ka dambeysay falkaan foosha xun loogu horkeeno caddaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka Galmudug.
Maamulka ayaa sidoo kale ku adkeeyay in aan la aqbali doonin falal dhaawacaya shucuurta bulshada muslimiinta ah, islamarkaana tallaabooyinka la qaadayo ay noqon doonaan kuwo lagu xaqiijinayo caddaalad iyo xasillooni.
Dhacdadan ayaa baraha bulshada qabsatay Sabtidii toddobaadkan, kadib markii muuqaal lagu faafiyey lagu arkay dhisme masjid la duminayo kadibna dab la qabadsiinayo. Warar laga helay deegaanka ayaa sheegaya in falkaasi uu ka dhashay dood ku saabsaneyd in masjidka uusan u jeedin qiblada saxda ah, balse arrintaasi waxay dhalisay su’aalo badan oo la xiriira sababta loo doorbiday gubid iyo burburin halkii xal kale loo raadin lahaa.
HBN ONLINE TV