Galmudug oo awaamiir adag ka koo saaray afduubka dadka shacabka

Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey awaamiir adag oo ku saabsan afduubka shacabka , isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas, kadib markii dhacdooyin aan horay loo arag ka dheceen deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud.

Ciidammada Amniga ee NISA iyo Booliska Soomaaliya ee Galmudug, oo kaashanaya maamullada iyo waxgaradka magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe, ayaa ku guuleystay in xorriyaddooda dib loogu soo celiyo muwaadiniin dhowaan ay afduubteen maleeshiyaad beeleed. Muuqaallo laga soo duubay dhacdadan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaana dadka la afduubtay ku jirey carruur iyo haween.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen falal xadgudub ah oo aan loo dulqaadan doonin, isla markaana ciidamada ammaanku ka hortegi doonaan dhamaan dhacdooyinka la midka ah.

Taliska Booliska degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ayaa warbaahinta u sheegay ayaa yiri “Qof dambe oo lagu qabto halka uu joogo ayaa tallaabo looga qaadi doonaa. Odayaasha iyo waxgaradka waxaan leenahay ha dhihinina ‘maanaan ogayn’. Ogaada, qof kasta oo gacan ku yeesha falalkan dambiyada ah mas’uuliyad baa ka saaran.”

Maamulka Galmudug ayaa ku adkeeyey in cid kasta oo qayb ku yeelata falalka afduubka aysan ka badbaadi doonin caddaaladda, ayna go’aan cad ka gaadhi doonaan arrimaha noocaas ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed