Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo lagu beegsaday xarumo ay kooxdu ku lahayd halkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 4 xubnood oo Alshabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud, ayna iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah. Duqeynta ayaa dhacday 20-kii bishaan oo sabtidii ku aadan.
“Xogta hordhaca ah waxay tilmaameysaa in ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka. waxaana laga fuliyay 20-ka Sebteembar 2025 deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagula jiro kooxda Alshabaab, iyada oo warar kale oo soo baxay ay sheegayaan deegaanno ka kala tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay ka dheceen duqeymo culus, balse aan la ogayn xogta khasaraha iyo sida uu u dhacay.
HBN ONLINE TV