Boqortooyada Eswatini ayaa ciidamo boolis ah u soo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya qeybta booliska ee Howlgalka Nabadda Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ciidamadan la soo diray ayaa tiradoodu dhan tahay 32 askari, waxaana ay ka qeyb noqon doonaan howlaha AUSSOM ee Soomaaliya ka socda.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka Eswatini ee howlgalada nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo dowladdu sheegtay in ciidankan ay muujinayaan sida boqortooyadu uga go’an tahay xoojinta xukunka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha xuduudaha ka baxsan dalkooda.
Eswatini ayaa noqotay dalkii 7-aad ee boolis u dira Soomaaliya, iyadoo horey ciidamo boolis ah u soo direen Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda, iyo Zambia.
Sida ku cad qorshaha AUSSOM, booliska Eswatini waxaa looga golleeyahay in ay taageeraan Booliska Soomaaliyeed, si loo maareeyo ammaanka guud, loo ilaaliyo bulshada, loona xoojiyo nabadgelyada gudaha.
Sidoo kale, ciidamadan ayaa ka qeyb qaadan doona bixinta talooyin siyaasadeed, horumarinta manhajka tababarka iyo tababarro gaar ah oo ku saabsan hoggaaminta iyo maamulka, iyadoo arrimahaas lagu heshiinayo labada dhinac.
HBN ONLINE TV