Soomaaliya guuldarro kala kulantay ciyaarta isreeb-reebka CAF Champions League oo Kenya dhagaha ka garaacday

Kooxda Mogadishu City Club (MCC) oo matalaysay Soomaaliya ayaa guuldarro 3-1 kala kulantay kooxda Kenya Police FC, ciyaartii koowaad ee wajiga hore ee isreeb-reebka koobka CAF Champions League.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi ayaa ahayd mid kulul, hase yeeshee Kenya Police FC ayaa si cad u maamulatay kulanka, iyadoo saddex gool ku hubsaday shabaqa MCC, halka kooxda Muqdisho ay la timid hal gool oo kaliya.

Guuldarradan ayaa ka dhigan in Mogadishu City Club ay fursad yar uun ku haysato kulanka soo laabashada, iyadoo ay khasab ku noqon doonto in ay guul weyn gaarto si ay rajada tartanka qaaradda u sii noolayso.

Sidoo kale, Ciyaarta kadib taageerayaal Soomaali u badan oo garoonka ku sugnaa ayaa fowdo ka kiciyay gudaha Nyayo Stadium, taas oo sababtay xaalad qalqal galisay ammaanka garoonka, sida ay xaqiijiyeen ilo goob-joogayaal ah.

Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya dad badan oo garoonka ku sugan oo fowdo sameynaya, taasi oo ay ku jirto gacan ka hadaltoos ah, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed