Marxmuun Nabaddoon Cumar oo lagu aasay degmadii lagu duqeeyey ee gobolka Sanaag

Galinkii dambe ee maanta ayaa lagu aasay Marxuum Nabaddoon Cumar Cabdullaahi Cabdi gobolka Sanaag, kaasi oo ku geeriyooday duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne tiro badan, cuqaal iyo waxgarad deegaanka, iyagoo ka qeyb galay Salaadda Janaasada ee loo sameeyey.

Nabaddoonka ayaa geeriyooday kadib markii gaari uu saarnaa lala beegsaday duqeyn, taasoo sababtay in maydkiisu ku basbeelo gudaha gaariga, sida ay xaqiijiyeen . Taliska Booliska Puntland.

Sidoo kale, duqeynta lagu dilay Nabaddoon Cumar ayaa abuurtay su’aalo badan oo ku saabsan sababta iyo ujeedada weerarka, iyadoo waxgaradka gobolka ay ku tilmaameen fal shirqool ah, maadaama – sida ay sheegeen – haddii uu dambi lahaa lagu qaban karay si sharci ah.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay masuuliyadda duqeyn isla xiligaasi ka dhacday gobolka, iyagoo ku andacooday in lagu dilay nin ka ganacsada hubka oo xiriir la leh kooxda Alshabaab, hase yeeshee ma aysan shaacin magaca iyo darajada ninka ay tilmaameen.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood iyo shaki badan oo ku saabsan beegsigaasi u jeedka ka dambeeyey iyo sababta dilkiisa. Ilaa hadda Puntland iyo Dowladda Soomaaliya midna kama hadlin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed