Isimada, nabadoonada iyo guurtida gobolka Sanaag oo si caro leh uga hadlay dilkii Nabadoon Cumar Cabdillaahi ayaa si cad u dalbaday in loo sharaxo sababta ka dambaysa, iyagoo dhacdadaan ku sheegay shirqool qorshaysnaa.
Waxgaradka oo warbaahinta ayaa sheegay in si waafi ah kaga dalbaday Puntland inuu sharaxo dilka Nabadoonka, iyaga oo sheegay in bulshada deegaanka ay sugayaan jawaabta ay u direen maamulka.
Sidoo kale, Waxay sheegay in deegaanka ka jirin baqdin kooxaha loogu yeero Argagixisada, ayna awooday Puntland in caddii ay shaki ay ka muujiso ciidamo ku soo qaban kartay. Odayaasha ayaa tuhun ka muujiyey aamusnaanta, balse ma aanay sababeyn waxa kalifay.
Dhacdadan ayaa kicisay mudaharaadyo iyo hadal hayn siyaasadeed, halka masuuliyiin ka mid ah maamulka Waqooyi Bari ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen inay bixiso jawaab rasmi ah. Xildhibaanadaan waxay sheegeen in dilka Nabadoonka uu yahay arrin mugdi badan leh oo aan laga aamusin karin.
Ilaa iyo hadda, maamulka Puntland iyo isimada guud ee gobollada Puntland kama aysan hadlin dhacdadan, taas oo sii kordhisay xiisadda iyo su’aalaha ka taagan gobolka Sanaag.
HBN ONLINE TV