Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa si adag ugu digay ganacsatada dalka in ay ka fogaadaan ku xadgudubka sharciga canshuuraha, kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuntay ganacsato lagu helay in ay jabiyen sida ku andacoodeen shuruucda canshuuraha dalka.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo soo bandhigay dad loo soo qabtay, kadib markii sida la sheegay ay ku xadgudbeen shuruucda canshuuraha iyo habraacyada sharciga ayaa lagu xukumay ganaax lacageed oo waafaqsan xeerarka canshuuraha dalka.
Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan ganacsatada dalka in ay si buuxda u hoggaansamaan shuruucda canshuuraha. Ganacsatada aan sharciga u hoggaansamin ayaa loogu goodiyey in la horgeyn doonaa maxkamad, taasi oo saameyn weyn ku yeelan doontaa ganacsigooda mustaqbalka.
HBN ONLINE TV