Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan inay si nabad ah u wadaagaan Biyaha Nile, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka ka taagan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Carabiya ayaa xusay in Soomaaliya ay xiriir taariikhi ah la leedahay Masar, halka Itoobiya ay la wadaagto iskaashi ku dhisan derisnimo iyo dan guud.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay wada xaajood dhab ah oo dhex mara Itoobiya iyo dalalka kale, si loo yareeyo walaaca ka taagan mashruuca biyo-xireenka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku dadaalayso inay ilaaliso dheelitirka saaxiibtinimada labada dhinac, maadaama ay labada dalba qeyb muhiim ah ka yihiin howlgalka AUSSOM iyo iskaashiga amniga gobolka.
Dhanka gudaha dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay soo oo uu hadal qaaday arimaha maamullada khilaafka siyaasadeed kala dhexeeyo. Waxaa uu sheegay in albaabbadu mar walba u furan yihiin xallinta khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka, Puntland & Jubaland, isaga oo rajeynaya in la xalliyo ka hor doorashooyinka qaranka, balse ma aanu bixin faahfaahin dheeraad ah.
Dagaallada lagu jiro kooxaha dowladda ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dagaalka Soomaaliya uusan ku koobnayn oo keliya kooxda Alshabaab, balse sidoo kale ay ciidamada amnigu dagaal adag kula jiraan kooxda Daacish oo ku sugan buuraha Puntland. Wuxuu xusay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaalladaas, isla markaana qorshuhu yahay in awoodda la helo lagu ballaariyo guud ahaan dalka.
Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Alshabaab muddo dheer xididdo ku yeesheen miyiga dalka, halkaas oo ay bulshada ku dhex milmeen, gaar ahaan jiilka ku dhashay sanadihii 2007–2008, kuwaas oo ku soo barbaaray deegaan go’doon ah. Taasi, oo u fududeysay kooxaha inay muddo dheer ku shubaan fikirro xagjirnimo iyo maan-bedel bulsho deegaanka.
Xasan Sheekh ayaa qiray in taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo aysan weli ku filnayn marka loo eego caqabadaha dhaqaale iyo amni ee taagan. Si kastaba, wuxuu ammaanay kaalinta shacabka oo maanta si weyn uga qeyb qaata dagaalka lagu hayo kooxaha loogu yeeor argagixisada, isagoo sheegay in amniga caasimadda Muqdisho uu maanta ka wanaagsan yahay sidii hore.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkastoo Alshabaab laga saaray deegaano badan, haddana khatartu ay weli jirto, maadaama 60% bulshada ay ku nool yihiin miyiga. Wuxuu shaaciyay in saddex sano iyo dheer ee uu xilka hayay uu marar badan bartilmaameed u noqday weerarro argagixiso, balse hadda awoodda kooxahaasi ay si weyn hoos ugu dhacday, islamarkaana ay ku koobmeen deegaano sida uu hadalka u dhigay aan muhiimad weyn lahayn.
HBN ONLINE TV