Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howlgal ballaaran ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu fashiliyay sida la sheegay qarax ay maleeshiyaadka Alshabaab soo diyaariyeen. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaannada Lambar-konton iyo Muuri, waxaana ciidanku ku guuleysteen in ay soo saaraan miino ay waddada ku aaseen kooxda, taas oo laga hortagay in ay dhibaato u geysato shacabka iyo ciidamada.
Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, oo howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in qaraxa la fashiliyey, isaga oo aan wax khasaare ahi ka dhalan. Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu ay si weyn uga hortagayaan dhagarta Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ka xoreeyay deegaanno ay kamid yihiin Bariire, Sabiid iyo Canoole. Intii ay socdeen dagaalladaasi, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qarxiyay duqeyn culus.
Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in la sii laba jibaari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la xoojiyay ciidanka ku sugan furimaha hore, kuwaas oo guulo waa weyn kasoo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay.
HBN ONLINE TV