Dowladda Soomaaliya oo ansixisay istaraatiijiyadda ka hortagga Qaraxyada Macmalka ah

Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir heer sare ah oo lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Shirka ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah si wax looga qabto khatarta qaraxyada farsamada lagu sameeyo.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ay ku jiraan Wasiirada Difaaca Axmed Macalin Fiqi, Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Aweys Xaaji Yuusuf, saraakiil ka socday Ciidamada xoogga, Booliska, NISA iyo wasaarado kale, halka ay sidoo kale safiirrada goobjoog ka ahaayeen Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isku xirka taageerada caalamiga ah iyo helitaanka qalab casri ah ay yihiin tiirar muhiim u ah guusha qorshahan, isagoo carrabka ku adkeeyay in istaraatiijiyaddani si toos ah u saameyn doonto awoodda ciidamada iyo kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, Wasiir Fartaag ayaa tilmaamay in istaraatiijiyaddani si cad u qeexayso doorka sharciyeed, hay’adeed iyo farsamo ee Soomaaliya kaga hortagayso khatarta qaraxyada, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaaraysa nidaam amni oo mideysan.

Safiirrada Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo wakiillada kale ee shirka ka hadlay, ayaa si isku mid ah u taageeray qorshahan, iyagoo ku tilmaamay qorshe wax ka beddeli kara xasilloonida amniga gudaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed