Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Maxaabiis iyo hubka lagu qabtay dagaalkii Ceeldheer

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigtay hub iyo maxaabiis lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee shalay halkaasi ka dhacay, kadib weerarkii kooxda Alshabaab oo khasaare culus kala kulantay.

Goobta lagu soo bandhigay hubka iyo maxaabiista waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha Alshabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

Saraakiisha ayaa warbaahinta u soo bandhigay maxaabiis nolosha lagu qabtay, hub lagu soo furtay goobta dagaalka, iyo maydadka dagaalyahannadii Alshabaab, inkasta oo aan si awoodin inaan soo bandhigno balse tiro beel ahaa.

Sidoo kale, goobta ayaa lagu abaalmariyay askari la sheegay inuu ka hortagay gaari qarax waday, kuna guuleystay inuu ka hor istaago in khasaare badan ka dhaco gudaha degmada.

Taliyeyaasha ciidanka ayaa ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan Ceeldheer, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dagaalka lagula jiro Alshabaab si dalka looga saaro gebi ahaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab laga dilay ku dhawaad 60 ruux, halka 50 kale laga dhawacay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed