Caasimadda Puntland oo lagu qabtay xaflad lagu xusayo biya-xireenka Itoobiya

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamuulka Putland waxa ka dhacday xaflad loogu dabaal degayo Biyo xireenka weyn ee dalka Itoobiya, taas oo ay soo qaban qaabisay Qunsuliyadda dawladda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Xafladdan waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Putland, kuwaas oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, iyo masuuliyiinta Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Biyo xidheenka weyn ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa in xadhiga laga jaro maalmaha soo socda ka dib dhawr iyo toban sano oo shaqadiisu socotay.

Xafladan lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa dood lagu kala aragti duwan yahay waxay ka dhalisay baraha bulshada Soomaalidu isticmaasho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed