Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Konteenarro daroogo sida oo Muqdisho laga soo dejiyey

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey inuu gudaha Dekadda Muqdisho ku qabtay konteenarro Daroogo ah oo ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya, oo la rabay la soo galiyo gudaha dalka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen laamaha amniga lagu ogaaday konteenarradan, kuwaas oo si sharci darro ah dalka lagu soo gelin lahaa, isla markaana ay ka dambeysay shabakad ganacsi oo abaabulan, inkasta oo aanu tafaasiil dheeraad ah ka bixin xogtooda dheeraad ah.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in baaritaannada socda ay horseedi doonaan in la helo cidda masuulka ka ah keenista iyo faafinta daroogada, si sharciga loo horgeeyo.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay adkeynayaan gacanta lagu hayo dekedaha iyo garoomada dalka, si looga hortago in maandooriye, hub sharci darro ah iyo badeecooyin kale oo khatar ku ah bulshada lagu soo geliyo dalka.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed