Dowladda Soomaaliya ayaa degmadda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilowday abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, xilli dagaalkii cuslaa ee gobolka uu bilihii la soo dhaafay hakad ku jiray.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah sida hadalka loo dhigay dadaallo dib loogu qabsanayo meelo badan oo ka tirsan Hirshabeelle oo hore ay gacanta ugu gashay Alshabaab, kuwaasoo hadda dib loogu soo celinayo gacanta Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi oo hoggaaminaya wafdi maanta gaaray furumaha dagaalka ee gobolka, ayaa sheegay in howlgalkan loogu talagalay in si dhakhso ah looga saaro kooxda Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya goobaha deegaanka.
“Dagaalka waxaa ka daran, in dhufeyska lagu sugnaado. Khawaarijta waa dad tabar daran oo ugu talagalay inay naftooda halligaan, dhawaana waa laga saari doonaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay hadda tilmaantay in guluf lagu qabsan doono meelaha Alshabaab qabsadeen, haddana kooxda ayaa tan iyo horaantii sanadkan si degdeg ah ugu fidday gobollada Hirshabeelle.
Tusaale ahaan, 27-kii Luulyo Alshabaab waxay la wareegeen degmada Maxaas, halka sidoo kale ay gacanta ku hayeen meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Moqokori, Yasooman, Aboorrey, Masaajid Cali Gaduud, Afarta Tuullo, Alkowthar, Daaru-Nicma, Ceelbaraf iyo goobaha kale ee istiraatiijiga ah.
Howlgalka hadda socda ayaa loogu talagalay sida la tilmaamay in lagu xoojiyo amniga, dib loogu soo celiyo xasilloonida, loogana hortago isbalaarinta iyo joogitaanka Alshabaab ee gobolka.
HBN ONLINE TV