Xogaha sirdoon iyo ilo amni oo ay heshay warbaahintu madaxabanaan ayaa xaqiijinaya in maamulka Puntland ay bilowday dadaal ay ku dooneyso in ay saldhig weyn ka dhisto degmo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag, halkaasi oo laga qorayo ciidamo deegaanka ah iyo kuwa kale oo lagu daabuli doono.
Puntland ayaa dooneysa in halkaasi ay dhawaan geyso cutubyo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee loo yaqaan PMPF – cutub ay tababarkiisa iyo qalabeyntiisa ay gacanta ku heysto dowladda Imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka PMPF uu halkaas ka dhisan doono saldhig ciidan oo rasmi ah, kaasoo noqonaya kan labaad ee ugu weyn ciidankan, marka laga reebo xaruntooda weyn ee ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso.
Saldhiggan ayaa lagu micneeyay mid ka mid ah qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee Puntland ku doonayso in ay ku xaqiijiso ammaanka badda Gacanka Cadmeed iyo la dagaalanka khataraha sida tahriibka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, weerarada burcad-badeedda & Dhaqdhaqaaqyada Daacish iyo Alshabaab ee ku wajahan marin-biyoodka iyo dhulka fog ee buuraha Calmadow
Saldhigga Laasqoray ayaa la filayaa inuu noqdo xarun taageero u ah howlgalka cusub ee Puntland ku dhawaaqday, kaas oo lagu magacaabo “Hawlgalka Onkod” – howlgal loogu talogalay in lagu ciribtiro maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmadow.
Laasqoray waxay ku taallaa deegaan istiraatiiji ah, kuna dhow xuduudaha Somaliland iyo aagagga uu muranku ka jiro. Imaatinka PMPF waxay sare u qaadaysaa su’aalaha ku saabsan xiriirka Puntland iyo maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ee laga dhisay Laascaanood. Puntland waxay muddo dheer dooneysay in ay xoojiso ilaalinta xeebaha, iyadoo ay kordhayaan khataraha la xiriira argagixisada iyo isu-socodka sharci darrada ah. PMPF waxay u aragtaa saldhiggan mid lagama maarmaan u ah difaaca istiraatiijiga ah ee gobolka.
Iyadoo ay socoto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay maamulka Waqooyi Bari iyo xiriirka Puntland ee gobolka Sanaag, saldhiggan cusub wuxuu noqon karaa mid siyaasiyan loo micneeyo siyaaba kala duwan.
Somaliland ayaa hore u sheegatay Laasqoray iyo Sanaag inay ka tirsan yihiin dhulkeeda, haddii maamulka cusub loo fiiriyane waa waa ilinkooda ugu istiraatiijisan ee xeebaha ay ku gaari karaan, balse lama oga halka ay howli ku dambeyn doonto.
HBN ONLINE TV