Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Ruushka kadib markii uu siiyay maalmo kooban si ay heshiis xabbad-joojin ah ula gaaraan Ukraine.

Trump oo saxaafiyiinta kula hadlayay Aqalka Cad,ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “dhaqanka laga naxo oo Ruushku ku hayo Ukraine,” wax yar un kadib markii weerarro Ruushku ka geystay Kyiv ay sababeen tobaneeyo dhimasho iyo dhaawacyo ah.

Trump wuxuu ku celiyay inuu damacsan yahay inuu cunaqabatayn saaro Moscow haddii aysan la gaarin Kyiv heshiis lagu soo afjarayo dagaalkan, hase yeeshee wuxuu qirtay inuusan hubin in cunaqabatayntu ay cabsi gelin karto Madaxweyne Vladimir Putin. Sidoo kale, Trump wuxuu ku dhawaaqay in wakiilkiisa gaarka ah, Steve Vitkov, uu u safri doono Moscow marka uu dhameeyo socdaalkiisa hadda ee Israel.

Witkov wuxuu horey dhowr jeer u tagay Moscow wuxuuna la kulmay Madaxweyne Putin, isagoo qayb ka ah dadaallada Trump ee lagu doonayo in lagu helo heshiis nabadeed oo u dhexeeya Moscow iyo Kyiv. Balse dadaalladaas ma aysan noqon miro dhala, taasi oo sababtay in Trump  uu muujiyo niyad-jab isla markaana hadalkiisu uu ku soo aruuro hanjabaado cunaqabatayn ah.

Trump wuxuu siiyay Putin ilaa 8-da bishan cusub ee Agoosto inuu heshiis kula gaaro Ukraine oo dirirtu kala dhaxeyso, haddii aysan dhicin arrintaasina Trump wuxuu ku goodniyaa inuu la imaan doono tallaabo cunaqabatayn ah, oo ay ka mid yihiin cashuurro la saaro Ruushka iyo dalalka ka iibsada saliidda Ruushka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in magaalada Chasiv Yar — oo ah xarun milatari oo muhiim ah oo ku taal waqooyiga-galbeed ee gobolka Donetsk — laga qabsaday.

Zelenskyy wuxuu sheegay in sheegashada Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ee ah in ay qabsadeen magaaladda Chasiv Yar oo u dhow magaalada Bakhmut ay tahay war been abuur ah. Magaaladaasi oo horey uu u qabsaday Ruushka sanadkii 2023-kii.

Xagga Ruushka, Maanta, Wasaaradda Difaaca ee Ruushku waxay sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay burburiyeen 60 diyaaradood oo drones ah oo ay leedahay Ukraine.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda, oo lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Ruushka ee Sputnik, ayaa lagu yiri: “Xalay ilaa maanta, nidaamyada difaaca cirka waxay burburiyeen 60 diyaaradood oo ah drones ah oo ka soo duulay Ukraine.”

Warbixinta ayaa tilmaantay in la burburiyay diyaaradahaasi goobo kala duwan oo ay ma mid yihiin: 31-diyaraadood oo lagu soo riday gudaha gobolka Belgorod, 12 ka mid ah gudaha Rostov ayaa lagu soo riday, 5 gudaha Krasnodar ayaa lagu dajiyey, 4 badda Madow ee Black Sea lagu magacaabo ayaa lagu soo riday, 3 gudaha Voronezh, 2 gudaha Lipetsk, 2 kale ayaa Tula lagu burburiyey, hal diyaarad oo ka midana 1 badda Azov ayaa lagu beegsaday.

dhanka kale, dhimashada ka dhalatay weerarro gantaallo iyo drones isugu jira loo adeegsaday oo arroornimadii Khamiistii lagu qaaday caasimadda Ukraine, ee Kyiv, ayaa la sheegay iney gaartay ilaa 26 qof, halka 159 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay maanta sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine.

Wasaaraddu waxay qoraal Telegram ay ku faafisay ku sheegtay: “Xalay ilaa saaka, kooxaha samatabbixintu waxay soo heleen 10 mayd oo ku hoos jiray burburka dhismo ku yaalla degmada Svyatoshynsky.

Warqabadka HBN Online TV  

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed