Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaal culus oo socday muddo shan maalmood ah. Wararka laga helayo magaalada waxay sheegayaan in ciidamada DFS ay la wareegeen xarunta degmada, saldhigga booliska, xarunta socdaalka iyo guud ahaan xarumihii dowladda, halkaasoo hadda ay si buuxda uga taliyaan.
Dagaalka oo markii hore ka socday duleedka magaalada gaar ahaan xerada UK – oo ahayd fariisin ay DFS ku sugnaayeen – ayaa si toos ah ugu baahay gudaha magaalada. Xaalad degganaansho ah ayaa hadda laga soo sheegaya Beledxaawo, inkastoo wali ay jirto cabsi dagaal dib uga qarxa ah. Waxaa la xaqiijiyay in diyaarado ciidan oo nooca Helicopter-ka ah ay keeneen agab ciidan iyo mas’uuliyiin uu kamid yahay xildhibaan laga soo doorto gobolka Gedo, si loo xoojiyo cududda DFS ee gobolka.
Isgaarsiinta magaalada ayaa la sheegay in dib u soo laabatay iyo korontadii, kadib maalmo cakirnaan ah. Dagaalka ayaa sababay barakaca dad rayid ah oo u gudbay xadka Mandheera, halkaasoo maamulku uu dejiyay boqolaal qoys meelaha loogu talagalay dadka barakacay.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay dhaawacyo rayid oo ka dhashay rasaasta dhinacyada oo gaartay gudaha Mandheera.
DFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan Jubbaland oo isu-dhiibay, waxaa muuqaaal aan helnay uu muujihaa Cabdirashiid Janan oo u qudbaynaya askar lagu sheegay inay kasoo bexeen dhanka Jubbaland, isaga oo uu u balanqaaday in dhaaman lagu darayo ciidamada dowladda ee gobolka.
Xaaladda Beledxaawo ayaa u muuqata mid kacsan, iyadoo loo baahan yahay dadaal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed si loo joojiyo colaadda loogana fogaado in ay ku faafto guud ahaan gobolka Gedo.
Isha ku haay HBN ONLINE TV