Masuuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Sanaag ayaa maanta kulan dhinacyo kala duwan looga hadlay la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland oo ay weheliyaan Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Taliye ku-xigeenka 1-aad ee Booliska, waxaana laga soo saaray awaamiir iyo digniin adag.
kulan oo ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka ay Puntland Haylaan ula baxday, oo ka tirsan Sanaag, waxaana diiradda la saaray sida la sheegay sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada, kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka, loogana hortagi lahaa wax kasta oo keeni kara xasilooni darro.
Guddoomiyaha Haylan Maxamed Faarax Aadan oo ka warbixiyey kulanka dhexmaray isaga iyo masuuliyiinta kale ayaa si adag u sheegay in aanay aqbali doonin shaqaaqooyin laga soo abaabulayo meelo ka baxsan gobolka, inkasta oo aanu sheegin cida soo abaabuleysa iyo halka laga soo abaabulayo.
Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed hadalkiisi ku daray digniin adag oo uu tilmamay in talaabo ay qaadi doonaan, balse nuuca iyo sida aanu tafaasiil dheeraad ah ka bixin.
Inta ilaa hadda la og yahay dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday dagaalkii Dhahar ayaa kor u dhaafaya 20 ruux, kuwaas oo isu jira ciidamo iyo dad rayid ah.
HBN ONLINE TV