Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si kulul uga jawaabtay eedeymo loo jeediyey oo ahaa inay kaalin ku lahayd dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhahar, kaasoo dhexmaray ciidanka Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Wasiirka Ganacsiga DFS Maxamuud Aadan Geesood oo booqday dadkii ku dhaawacmay israsaaseyntaasi – kuna jira isbitaalka Laascaanood ayaa si cad u sheegay in dowladda aysan wax ciidan ah u dirin Dhahar, islamarkaana eedahaasi yihiin kuwo been abuur ah.
Geesood ayaa si toos ah u eedeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni inuu si khaldan ugu adeegsaday sida uu hadalka ciidamada PMPF, kuwaasoo uu ku sheegay inay xasuuqeen dhalinyaro rayid ah.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu si xooggan u difaacay dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, isagoo dhaar ku maray in qorshahaasi uusan hakad geli doonin, wuxuuna yiri: “Saciid dad ha xasuuqo shacab ama magaalo xoog qoryo haku keeno, wixii doono dhacaan, cid joojin kareysa ma jirto, waa la dhisayaa – waa la dhisayaa, anagaa dadka u masuul ah”.
Dhanka kale, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah Ciidamada PMPF ay u gudbin doonaan dowladda Imaaradka Carabta oo Waajibaadkooda gacanta ku heysa. maanta Dhakhtarka Magaalada Laascaanood kusoo booqday , dhaawaca dadkii shacabka ahaa ee ciidamada PMPF ku layeen Magaalada Dhahar, kadib markii ay weerar ku qaadeen magaaladaasi.
Inta ilaa hadda la og yahay dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday dagaalkii Dhahar ayaa kor u dhaafaya 20 ruux, kuwaas oo isu jira ciidamo iyo dad rayid ah.
HBN ONLINE TV