Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya aaa maanta ka warbixiyay xaaladda guud ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda gobollada dalka, iyagoo si cad u sheegay in mamnuuc tahay in la diiwaangeliyo dad aan si xor ah u is-diiwaangelin.
Afhayeenka guddiga Abdifatah Faisal Hussein oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen cabashooyin iyo xog ku saabsan dad lagu qasbay inay is-diiwaangeliyaan, arrintaas oo uu guddigu ku tilmaamay mid ka hor imanaysa shuruucda dastuurka iyo hufnaanta doorashooyinka.
“Guddigu wuxuu si adag u mamnuucayaa, waxkastoo keeni kara cabsi galin, qasab ah ama marin habaabin arimaha doorashooyinka. Waxaa la farayaa shaqaalaha in aan la diiwaangelin karin qof sheegaganaya in la soo qasbay” ayaa lagu yiri hadalka guddiga doorashooyinka.
Guddiga ayaa sidoo kale xusay in ay bilaabeen kormeerro iyo dabagal dhab ah oo lagu xaqiijinayo in diiwaangelintu ku socoto si cadaalad ah, xor ah oo hufan, iyadoo lala kaashanayo maamulka gobollada iyo hay’adaha amniga.
Sidoo kale, guddigu wuxuu shaaciyey in muddo bil ah lagu daray wakhtiga diwaangalinta si fursad u helaan muwaadiniinta kale ee aan fursadda u helin, iyada oo ku boorisay dadka inay wakhtiga la siiyey ka faa’iideystaan.
Inkasta oo aan si madaxbanaan loo helin, hadane ilo lagu kalsoonaa karo ayaa sheegay in goobaha qaar dadka si qasab ah lagu geeyo, iyada oo la adeegsanayo Ciidamada ammaanka. Dad badan oo dhacdadaan la kulmay ayaa Hbn Online Tv u xaqiijiyey.
Hbn Online Tv