Maxay tahay shabakadda ISIS-Soomaaliya oo gudaha Itoobiya lagu qabtay?

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in howlgal qorsheysan oo laga fuliyey gudaha dalkaasi in lagu qabtay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish oo lala xariiray garabkooda Soomaaliya, kuwaas oo loo tababaray hawlo argagixiso, kadib howlgallo ka dhacay qaybo badan oo dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyey wakaalladda wararka dalkaasi, hay’adda Sirdoonka Itoobiya NISS ayaa ku dhawaaqday in la qabtay 82 xubnood garabka Soomaaliya ee kooxda ISIS, gaar ahaan kan ka howlgala Puntland.

Xubnahaan ayaa muddo waday qorsheyaal ay ku faafinayaan saameyntooda gudaha Itoobiya iyo dalal kale, sida lagu carrababaay bayaanka NISS, iyagoo isku dayayay in ay unugyo sirdoon iyo argagixiso ka dhisaan gudaha Itoobiya, .

Hay’addu waxay sheegtay in kooxda ISIS ee Soomaaliya si joogto ah loogu daba-jiray, kaddib markii la helay xog cad iyo caddayn muujinaysa halista amni ee ay kooxdaasi wadeen, taas oo khatar weyn gelin kartay ammaanka qaranka Itoobiya.

82-ka ruux ee la qabtay ayaa la sheegay in loo tababaray gudaha Puntland, loona diray qaybo kala duwan oo dalka Itoobiya ah, si ay uga fuliyaan hawlgallo qarsoon. Kooxdan ayaa la qabtay iyadoo la kaashanayo booliska federaalka iyo ciidamada ammaanka ee heer gobol.

Bayaan ka soo baxay hay’adda ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah dadkan ay si toos ah xiriir ula lahaayeen sirdoonka kooxda ISIS, ayna kaalin weyn ku lahaayeen maalgelinta, sahayda iyo taageerada farsamo.

Sidoo kale wabixinta ayaa la sheegay in kooxdan adeegsanayeen hay’ado lagu tilmaamay kuwa diin ku saleysan si ay u faafiyaan fikirkooda xagjirka ah iyo in dad cusub lagu qaldo afkaar kicin ah oo rabshado horseedi karta.

Xubnaha la xiray ayaa laga qabtay magaalooyinka kala ah Addis Ababa, Sheger, Adama, Haromaya, Shashemene, Bale, Jimma, Shakiso (Oromia), Kemise (Amxaarada), Halaba Qulito (Sidaama), Jigjiga (Soomaali), iyo Harar. Dadweynaha deegaanka ayaa la tilmaamay in si weyn uga qayb qaateen howlgalka lagu qabtay eedeysanayaashan, iyadoo lagu amaanay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka.

Hay’adda Sirdoonka Itoobiya waxay sheegtay in la sii xoojin doono daba-galka iyo la socodka kooxaha argagixisada ee aan la xakamaynin, iyada oo bulshada lagu dhiirrigelinayo inay ka qeybqaataan sugidda amniga, kana warbixiyaan xaalad kasta oo laga shakiyo si loo ilaaliyo xasilloonida deegaanka.

Hbn online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed