Maakhir oo Puntland ku eedeysay dagaalkii ka dhacay Dhahar, ayna masuuliyadda wixii dhacay qaadi doonto

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo maanta xilka ay ka qaadeen golaha wakiillada Puntland ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweyne Saciid Deni dagaalka socda, isagoo ku sheegay inuu si toos ah u amray sida uu hadalka u dhigay Ciidamada maamulka weerarkii Dhahar, kaas oo uu ku tilmaamay duullaan qorsheysan oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada Maakhir.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyadda dagaalka ka dhacay magaalada Dhahar uu qaadayo Madaxweyne Deni, islamarkaana uu kaga digay gardarrooyinka socda ee gobolka Sanaag.
Cabdirashiid ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay il gaar ah ku eegaan xaaladda gobolka Sanaag, isagoo dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo xiisadda.

Waxaa weli la sugayaa jawaabtiisa Madaxweyne Deni ee ku aaddan eedeymaha loo jeediyay iyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa horay uga dhawaaqay magaalada Laascaanood inuu iska casilay xubinimada Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in uu diiradda saarayo ka shaqeynta dhismaha maamulka SSC Khaatumo, si gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn u helaan sida uu hadalka u dhigay dowlad goboleed u gaar ah.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa ku hanjabtay inay u jari doonto warqad soo qabasho ah Jibriil, ka dib markii ay sheegtay inuu ku kacay sida warka loo dhigay falal amni darro oo ka dhan Puntland oo uu ka wado Sanaag.

Go’aankan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo abaabulka maamulka SSC Khaatumo iyo dadaallada siyaasadeed ee ka socda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, iyada oo shir lagu dhisayo ay gogashiisu ka furan tahay magaalda Laasacaanood.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed