Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal culus oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar oo ku taalla gobolka Sanaag ee bariga Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Maakhir, kaas oo ay aas-aaseen siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag, isla markaana ay Puntland ku sifeysay sida ay hadalka u dhigtay fallaago sharci-darro ah.
Wararka laga helayo ilo maxalli ah, oo ay heshay Hbn Online Tv ayaa sheegaya in dagaalka kadib ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen magaalada Dhahar, islamarkaana ay ka saareen xubnihii hubeysnaa ee taageersanaa Maakhir.
Xaaladda magaalada ayaa wali kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaallo kale ay dib uga qarxaan, maadaama labada dhinacba ay weli ku sugan yihiin deegaanno ku dhow Dhahar.
Warbaahinta gudaha Puntland ayaa sidoo kale tabisay in ciidamada maamulka Puntland ay la dagaallameen “dabley hubeysan”, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday.
Guddoomiyaha degmada Dhahar ee Puntland Bashiir Maxamed Ciise oo ka hadlay dhacdada ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeysay sida uu hadalka u dhigay xiisadda magaalada ka taagan, eedeyntaasi oo horay DFS u beenisay.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada Puntland iyo Booliska degmada Dhahar ay si buuxda u kala eryeen kooxdii hubeysneyd, islamarkaana ay gacanta ku hayaan amniga magaalada.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan maamulka gobolka Sanaag, gaar ahaan kadib markii xubno siyaasiyiin ah oo taageersan Maakhir ay sheegeen in ay “ka go’een” Puntland, arrintaasoo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee gobolka.
Isha ku haay Hbn Online Tv