Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka, gaar ahaan Daraawiishta Jubbaland, ay ku guuleysteen burburinta fariisimo muhiim ah oo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen goobo kala duwan oo ka tirsan Jubbaland.
Fariisimada la burburiyay ayaa la sheegay in ay ahaayeen xarumo istaraatiiji ah oo Alshabaab u adeegsan jireen sida hadalka loo dhigay qorsheynta weerarro argagixiso, tababarada maleeshiyaadka iyo kaydinta hubka. Howlgalka lagu burburiyay saldhigyadan ayaa qeyb ka ah ol’ole ballaaran oo ka socda guud ahaan Jubbaland oo lagu beegsanayo kooxda ku dhuumaaleysanaya deegaannada la beegsaday.
Jubbaland waxay sidoo kale ku boorisay shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna qeyb uga noqdaan sugidda nabadgelyada deegaanadooda.
“Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si loo helo xogaha muhiimka ah ee horseedi kara guul buuxda oo laga gaaro dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ee caadeystay gumaadka, qaraxyada iyo khalalaasaha” ayaa lagu yiri warka Jubbaland.
Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida, nabadda iyo sugidda amniga shacabka, iyagoo ku adkeeyay in la sii wadi doono howlgalka ilaa laga ciribtirayo khatarta Al-Shabaab.
HBN ONLINE TV