Kulan xasaasi oo Xalane ku dhexmaray madax DFS ah iyo xubnaha Beesha Caalamka, maxaa ka soo baxaya?

Dhowr wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), una hadlayay magaca Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, si ay uga wada hadlaan khilaafka doorashooyinka ee socda iyo wax ka beddelka dastuurka, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay weheliyaan Wasiirada Caddaaladda Xasan Macalin Maxamuud iyo Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa la sheegay in ay la yeesheen kulamo gaar ah saaxiibada caalamka, si ay uga wada hadlaan ka miradhalinta natiijadii ka soo baxday Shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran – shir si weyn uga horjeesteen dhinacyada mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Warbixin laga helay kulanka ayaa muujisay in si qoto dheer looga hadlay gogosha nabadeed ee wadatashiga, Natiijada wadar-ogolka ahayd ee shirkaasi mucaaradka iyo DFS iyo sidii loo dardargelin lahaa ka qeybgalka siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ee hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, wasiirrada DFS ayaa sidoo kale la yeeshay kulan gaar ah Danjiraha UK ee Soomaaliya, Charlie King, kaasi oo lagu falanqeeyay Barnaamijka Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya (Stability Fund Phase III).

Kulankaas ayaa lagu tilmaamay mid lagu ansixiyay qorshaha shaqada sannadka saddexaad ee barnaamijka, kaasoo ay maalgelinayaan deeq-bixiyeyaal badan si loo horumariyo xasilloonida dalka iyadoo la adeegsanayo Wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood kadib markii musharraxiinta mucaardka madaxtinnimada ay la kulmeen xubno ka socday beesha caalamka, iyagoo ku baaqay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhammeystiran si loo xalliyo khilaafaadka loogana shaqeeyo in Puntland iyo Jubbaland dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka qaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed