Maxaa laga filan karaa kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh & Mucaaradka!

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu mar kale la kulmo xubnaha Mucaaradka ee Madasha “Samatabixinta Soomaaliyeed” oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa ah mid xiriir u ah kulamadii hore, gaar ahaan kii dhacay 25-kii June 2025, kaasoo Madaxweynaha uu la yeeshay xubnaha Madasha – kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaayaal hore iyo siyaasiyiin miisaan leh oo mucaarad ah.

Waxyaabaha kulanka diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah ka hadlidda dhammeystirka dastuurka Federaalka, hanaanka doorashooyinka dalka, tabashooyinka mucaaradka ee la xiriira hufnaanta siyaasadeed iyo kalsoonida dowlad-dhiska.

Inkasta oo aan si waafi ah loo shaacin waxyaabaha rasmiga ah ee kulanka laga filan karo, haddana ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wado dedaallo uu ku doonayo inuu ku dejiyo tabashooyinka mucaaradka, loogana fogaado khilaaf siyaasadeed oo sii qoto dheeraada.

Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay maamulada Puntland iyo Jubbaland si cad u diideen qaabka loo wajahayo wax ka beddelka dastuurka iyo jihada cusub ee doorashooyinka, taasoo khilaaf siyaasadeed oo hor leh abuurtay.

Kulankan ayaa noqonaya tijaabo kale oo muujinaysa sida ay ugu kala fogaadeen aragtiyaha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa su’aalo ka taagan yihiin ilaa 3 qodob oo ah u bucda khilaafka mucaaradka iyo madaxda DFS, haddii xal loo helane keeni kara sida ay qabaan dadka siyaasadda falanqeeya geeska Afrika mid weyn ka bedeli doonta bad-qabka dalka iyo kalsoonida siyaasadeed.

1. Dastuurka oo Muran Dhaliyay:
Dhammeystirka Dastuurka ayaa noqday mid keena tuhun weyn, iyadoo mucaaradku ay sheegayaan in dowladdu damacsan tahay in ay ku darsato muddo ama ay abuurto nidaam aysan qayb ka ahayn wada-tashi dhab ah, haddii xal loo helane keeni karta isbdel muuqda.

2. Doorashooyinka:
Arrimaha la xiriira doorashooyinka 2026 ayaa durba isu beddelaya mid keeni kara is-mari waa, iyadoo mucaaradka iyo maamulada qaarkood ay ka cabanayaan inaan la helin hannaan caddaalad iyo wada-tashi ku dhisan, si gaar ah Puntland iyo Jubbaland.

3. Doorka Madaxweyne Xasan Sheekh:
Inkasta oo Madaxweynaha lagu amaano inuu diyaar u yahay inuu dhageysto aragtida ka soo horjeeda, haddana mucaaradku waxay u arkaan in wada-tashiga uu yahay mid aan natiijo rasmi ah ka dhalan, haddii aan is-beddel muuqda la sameyn.

Shirka maanta wuxuu fure u noqon karaa hagaajinta xiriirka Villa Somalia iyo mucaaradka – haddii si dhab ah loo tixgeliyo cabashooyinkooda. Hase yeeshee, haddii kulanka uu noqdo mid sawir siyaasadeed uun ah, falanqeeyaashu waxay muujinayaan suuragalka kala fogaanshuhu iinuu sii bato, taasi oo saameyn xun ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka ay soo dhawdahay doorashada guud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed