Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay si buuxda u kafaalo qaaday waxbarashada in ka badan 100 carruur ah, kuwaas oo waalidkood ahaayeen wariyeyaal Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii.
Wasiirka Wasaaradda Faarax Sheekh Cabdulkaadir ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay codsi rasmi ah oo kaga yimid xubno matalayay bahda Saxaafadda madaxa bannaan, kuwaas oo muddo ku hawlanaa u doodista xuquuqda iyo daryeelka carruurta ay ka tageen wariyeyaashii u dhintay gudashada waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in masuuliyadda daryeelka waxbarasho ee carruurtaasi ay tahay waajib qaran, maadaama ay yihiin ubadkii geesiyaasha Soomaaliyeed ee u huray noloshooda runta, wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.
Wuxuu ammaanay doorka muhiimka ah ee bahda Saxaafadda ay ka qaateen arrintan, isagoo sheegay in midnimadooda iyo garab istaaggooda ay tusaale u tahay qiimaha ay leedahay wadajirka ummadda. Dowladdu waxay xaqiijisay in dhammaan carruurtaasi ay heli doonaan waxbarasho buuxda laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed, iyadoo Wasaaraddu si rasmi ah ula wareegtay daryeelkooda waxbarasho.
Ugu dambeyn, munaasabadda lagu shaaciyay barnaamijkan ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddi farsamo oo ka kooban xubno ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo bahda Saxaafadda, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona habsami u socodka iyo dhammeystirka barnaamijka waxbarasho ee carruurtaasi.
HBN ONLINE TV