Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fu’aad Xuseen, ayaa ka digay in sii socoshada colaada gobolka u dhexeeysa Iran iyo Israa’iil iyo suuragalnimada xiritaanka gacanka Hormuz ay sababi karto qalalaase dhaqaale oo halis ah, iyadoo qiimaha saliidda laga yaabo inuu kor u kaco ilaa inta u dhaxeeysa $200 iyo $300 halkii foosto.
Fu’aad Xuseen ayaa intaas ku daray, isagoo qadka taleefan kula hadlayay dhiggiisa Jarmalka, Johann Fadewol, in sii socoshada dagaalka gobolka “uu kordhin karo heerka sicir-bararka ee wadamada Yurub, isla markaana ay adkayn karto habka dhoofinta saliidda ee dalalka soo saara sida Ciraaq, sidoo kalena xiritaanka gacanka Hormuz ay sababi karto in suuqyada saliidda laga waayo ilaa 5 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii taasi oo ka timaadda dalalka Gacanka iyo Ciraaq,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq.
Qiimaha foostada saliidda ceeriinka ah ayaa sare u kacsay in ka badan 13% Jimcihii lasoo dhaafay, iyadoo gaartay ilaa $78.5 halkii foosto.
Fu’aad Xuseen waxa uu sidoo kale ka digay in “xadgudubyada Israa’iil ee marar badan ay ku sameyneyso hawada Ciraaq ay yihiin jebin cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo madax-bannaanida qaranimada,” isagoo ugu baaqay Jarmalka iyo beesha caalamka inay qaataan mowqif adag oo ka dhan ah xadgudubyadaas, isagoo sheegay in kacsanaanta dagaalku ay sababi karto in mowjad cusub oo qaxooti ah ay ka bilaaban doonto Yurub, taasoo u baahan tallaabo caalami ah oo dhab ah si loo xalliyo sababaha xiisadda oo loo joojiyo kacsanaanta iyadoo la adeegsanayo xalal diblomaasiyadeed.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Fadewol, ayaa muujiyay in dalkiisu uu ka go’an yahay taageeridda amniga iyo xasilloonida Ciraaq, isla markaana laga ilaaliyo in uu galo wax dagaal ah ama saameyn ka dhalata khilaafka haatan. Waxa uu xusay in Jarmalku uu la shaqeynayo saaxiibadiisa gobolka iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago in Ciraaq lagu soo jiido wareeg dagaal.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyo sidoo kale Iran iyo dalalka Yurub, gaar ahaan kuwa barnaamijka nukliyeerka ee Iran, taasi oo uu sheegay inay tahay tallaabo aasaasi ah oo lagu yareyn karo xiisadda.
Qiimaha Shidaalka ee Jarmalka
Dhinaca kale, qiimaha bensiinka iyo naaftada ayaa sare u kacay gudaha Jarmalka sabab la xiriirta dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.
Subaxnimadii shalay, celceliska qiimaha litirkii bensiinka nooca “Super E-10” wuxuu guud ahaan Jarmalka ka gaaray ku dhawaad 2 yuuro, koror ah 5 senti marka la barbar dhigo qiimihii maalintii hore, halka litir naafto ah uu gaaray 1.6 yuuro, taasi oo ah koror 6 senti ah, sida ay sheegeen ururka baabuurta ee Jarmalka.
Ururku wuxuu sheegay in sare u kaca qiimaha saliidda ee ka dhashay qalalaasaha Bariga Dhexe uu si toos ah u saameyn doono qiimaha shidaalka, isagoo intaas ku daray in isbeddelka kororka ah uu u muuqdo mid sii soconaya.
Waxay intaasi ku dareen: “Waa inaanan buunbuunin khatartan, si aysan shirkaduhu ugu helin marmarsiiyo adag oo ay ku kordhiyaan qiimo dheeraad ah.”
HBN ONLINE TV