Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukunno culus oo lagu riday afar eedeysane oo lagu helay inay si farsamo ahaan iyo maaliyad ahaanba u taageeri jireen kooxda Alshabaab. Eedeysanayaasha ayaa lagu soo bandhigay inay door muhiim ah ku lahaayeen diyaargarowga iyo fulinta qaraxyo waaweyn oo dalka ka dhacay, sida qaraxii Zoobe 2 ee dhacay bishii Oktoobar 2022.
Cabdinaasir Maxamed Xasan oo loo yaqaan Macalim Xaaji ayaa lagu helay inuu muddo lix sano ah farsameynayay baabuurta ay Alshabaab ku fuliyaan weerarada qaraxyada. Waxa uu baabuurta ka tirtiri jiray sumadaha chassis-ka, kuna beddeli jiray kuwo been abuur ah si looga dhuunto raadraaca hay’adaha amniga.
Intaas waxaa u dheer in uu si toos ah uga qeyb qaatay sida la sheegay farsamaynta mootadii qaraxa loogu adeegsaday weerarkii Soobe 2, iyo sidoo kale qaraxyadii ka dhacay SYL Hotel iyo Beach View. Maxkamaddu waxay ku xukuntay xabsi daa’in.
Maadeey Cabdi Xuseen oo ah makaanik, ayaa xiriir la yeeshay Cabdinaasir kadibna u safaray deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu u farsameeyo saddex gaari oo ciladaysanaa. Waxa uu halkaas joogay muddo bil ah, wuxuuna kusoo laabtay isagoo wata lacag dhan $400 oo uu ka helay Alshabaab, qaybna uu siiyay walaalkiis Ciise Maadeey Cabdi Xuseen oo safarka ku wehliyay. Maadeey ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah, halka walaalkiis Ciise lagu xukumay hal sano.
Cabdiqaadir Cali Faarax (Tabliiq), oo horey laba jeer loo xiray ayaa lagu eedeeyay inuu damacsanaa sida la carrabaabay inuu gaari u iibiyo Alshabaab, sidoo kalena uu fududeeyo socdaalka dadka u dacwooda kooxdaas, Balse baaritaanno dheer kadib waxaa lagu waayay caddaymo ku filan, taasoo keentay in maxkamaddu si rasmi ah ugu celiso xoriyaddiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in xukunkan uu qeyb ka yahay dagaalka sharci ee lagula jiro taageerayaasha Alshabaab, lana adkeynayo mas’uuliyadda ka saaran garsoorka sugidda amniga dalka.
HBN ONLINE TV