Maraykanka oo war cusub ka soo saaray duqeymo lala beegsaday kooxda Alshabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay weerarro cir ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Alshabaab, taariikhdu markay ahayd 17-ka May 2025, iyadoo garab ka helaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Weerarrada ayaa ka dhacay agagaarka Mabaax, oo ah deegaan ku yaalla gobolka Hiiraan, wuxuuna u dhexeeya Moqokori iyo Aaden Yayaal – qiyaastiina 200-km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah sida la sheegay dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Alshabaab ee ku aaddan qorshaynta iyo fulinta weerarro. “iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaaday weerarro cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay meel ku dhow Mabaax, qiyaastii 200km waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, Soomaaliya”.

AFRICOM ma sheegin khasaaraha soo gaaray kooxda Alshabaab intii lagu guda jiray weeraradaan duqeynta ah ee laga fuliyey gobolka Hiiraan, mana sheegin in wax khasaare ah ka soo gaaray dadka rayidka.

AFRICOM waxay ku goodisay inay sii wadi doonto duqeymaha ka dhanka Alshabaab iyadoo kaashaneysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lana wiiqi doono awoodda Alshabaab ee ku aaddan qorshaynta iyo fulinta weerarro khatar gelin kara Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniinteeda ku sugan dibadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed