Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Duleedka Baraawe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaan qiyaastii 40-km u jira magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday sida la sheegay fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 25-aad ee CXDS Gaashaanle Dhexe Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Koonfur Galbeed Aadan Yuusuf Baroon iyo Taliyaha Xasilinta degmada Baraawe Ibraahim Xasan Geladow.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta ciidamada in lagu burburiyay meelo gabaad u ahaa kooxda, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada Baraawe iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladan ayaa ah kuwa joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga deegaannada hoos yimaada degmada Baraawe, iyadoo la qorsheynayo sida saraakiishu sheegayaan in howlgalladaasi la ballaariyo si Alshabaab looga saari guud ahaan gobolka.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoojiyay dhaq-dhaqaaqyadooda amni, iyagoo ballan qaaday in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, wallow kooxdu muddo gobolka gabaad adag ku heysato.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed