Trump oo qaaday tilaabo kale oo uga soo dari karta xiisada kala dhaxeysa Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay qaaday tilaabo kale oo uga sii dari karta khilaafka xiisada u dhaxeysa Washington & Tehran, iyadoo uu baaqday kulankii wafuud ka socota labada dhinac maalinimada beri ah ku yeelan lahaayeen dalka Talyaaniga.

Trumo ayaa ku hanjabay inuu cunaqabatayn dul dhigi doono cid kasta oo iibsata saliid ama waxyaabaha kiimikada batroolka ka sameysan ee ka yimaada Iiraan.

Trump ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku yiri  “iibsashada dhammaan saliidda iyo badeecadaha kiimikada batroolka ee Iiraan waa la joojiyo,” isla markaana uu qof ama waddan kasta oo wax ka iibsada Iiraan si degdeg ah ayaa la saari doono cunaqabatayn labaad. Wuxuu intaas ku daray: “Waxay gebi ahaanba mamnuuc ka noqon doonaan inay ganacsi la sameeyaan Maraykanka.”

Hanjabaaddan ayaa timid kaddib markii Saldanadda Cumaan ku dhawaaqday in la dib dhigay wadahadalladii nukliyeerka ee lagu ballansanaa Sabtidii. Warkan waxaa lagu shaaciyay qoraal uu uu baraha bulshada soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi.

Waxa uu yiri: “Sababo la xiriira qorsheyn farsamo, waxaan dib u dhigeynaa kulankii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ee si horudhac ah loogu qorsheeyay Sabtida, May 3. Taariikhaha cusub waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka labada dhinac ay isla oggolaadaan.”

Maraykanku wuxuu sheegay inuu filayo in wadahadallo cusub lala yeesho Iiraan dhawaan, kaddib markii Tehraan horey u sheegtay in wareeggii afraad ee wadahadallada barnaamijka nukliyeerka la joojinayo, kuwaasoo lagu waday in toddobaadkan dhacaan.

Afhayeenka Waxdaa Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in “la filayo in wareeg cusub oo wadahadal ah la qabto mustaqbalka dhow,” iyadoo intaas raacisay in wareeggii lagu ballansanaa dhamaadka toddobaadka aanu weli si rasmi ah u dhicin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa isna sheegay in dalkiisu weli doonayo inuu xal wadahadal ah ku raadiyo khilaafka ku saabsan barnaamijkiisa nukliyeerka. Wuxuu ku yiri fariin uu ku qoray baraha bulshada “Waxaan si wadajir ah ula go’aansanay saaxiibadayda Maraykanka iyo Cumaan in wareeggii afraad ee wadahadallada dib loo dhigo sababo la xiriira farsamo iyo qorsheyn.” Wuxuu hoosta ka xariiqay in mowqifka Iiraan ee ah raadinta xal wadahadal ah uusan isbedelin.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrow, ayaa isna xaqiijiyay in uusan jiri doonin wax kulan ah Jimcaha u dhexeeya Iiraan iyo Yurub kaasi oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, taasoo Tehraan sheegtay horaantii toddobaadkan.

Barrow ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP: “Waxaa la qorsheeyay kulan farsamo ka hor kulanka heerkiisu sareeyo ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan. Maadaama kulankaasi aanu dhaceynin, kulankii farsamo wax micne ah ma sameynayo, ugu yaraan waqtigan la joogo,” isagoo xusay dib u dhaca wareeggii afraad ee Rome lagu qaban lahaa Sabtidii.

HBN Online TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed