Kulan maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu isugu yimid ayaa waxaa hareeyey buuq iyo sawaxan ay sameeyeen Xildhibaano ka carooday diidmada mooshin ay guddoonka u gudbiyeen, kaasi oo la xiriiray xil ka qaadis lagu sameeyey Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.
Xildhibaanada mooshinka waday ayaa si weyn uga horyimid go’aanka guddoonka, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo diidmo ah, isla markaana garaacay miisaska fadhiga Golaha. Inkasta oo xiisaddu ahayd mid sare u kacday, haddana Ajandaha kulanka ayaa si rasmi ah loo ansixiyey inta lagu guda jiray buuqa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si cad u sheegay inuusan qaban doonin mooshinkaasi, isagoo xusay in haddii uu qabto uu noqonayo “dambiile” sida uu hadalka u dhigay.
“Mooshinkan hadii aan qabto dambiile ayaan noqonayaa, ma qabanayo mooshinka,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe, isagoo u muuqday mid diidan tallaabo kasta oo keeni karta qalqal sharciyeed ama khilaaf dheeraad ah.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wareegto uu soo saaray 15-kii bishii Maarso ku sheegay in xanaaddii xildhibaanimo laga xayuubiyey Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha, ka dib markii 141 fadhi oo u qabsoomay golaha shacabka uu ka soo xaadiray 5 kulan oo kaliya.
Xildhibaan Abiib ayaa dhankiisa uu ku andacooday in sababo amni ay sababeen maqnaashihiisa, walow aysan jirin xilligan sababo amni oo xildhibaanadu uga maqnaadaan kulamada baarlamaanka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu weli jiraan khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo sababtay in kulamo badan oo hore dib loo dhigo ama baaqdaan sababo la xiriira kala aragti duwanaansho adag oo ka dhex taagan Xildhibaanada.
HBN ONLINE TV.