Ciidamada Dowladda oo sheegay in howlgal ka dhacay Shabeellaha dhexe lagu dilay unug xubno Alshabaab ah

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Ceelka-Nuur-gadoow oo hoostaga degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshaabab.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu carrabaaby in dilay dhamaan xubnihii halkaasi lagu beegsaday, ka dib markii lagu garaacay madaafiic xooggan.

“Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanku heleen Xog ah in maleeshiyaadka khawaarijta oo aad u haraadsan ama u ooman ay biyo ka soo doonteen Ceelbiyood ku yaala deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii goobta joogay iyadoo sidoo kale Ciidanku gubeyn gaadiidkii ay biyaha ku qaadan rabeen argagixisada howlgalka lagu afjaray.” ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay Raadiyaha Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalinkii seddeexaad oo xiriir ah kawada gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan guduf dagaal oo adag.

Dhanka kale, maalinkii labaad dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa ka socda deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buula Burte ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi la soo wariyey in lagu dilay xubno badan kooxda ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed