Howlgal duqeyn khasaare dhimasho ah geystay oo dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu beegsaday Daacishta Buuralayda gobolka Bari

Dowladda Soomaaliya oo ka bixissay duqeyn lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Daacish ee ku sugan buuraha golis ayaa lagu sheegay in Wadajir ay u fuliyeen taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), isaga oo kaashaneyey dowladda dhexe.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xogta horudhaca ah ee laga helay howglka oo dhacay xalay fiidkii ay muujinayso in dhowr xubnood oo ka tirsan Daaish lagu dilay, iyadoo aysan jirin sida hadalka loo dhigay “wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka”.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu carrabaaby in weli ay socdaan tirakoobka khasaaraha lagu gaarsiisay kooxda, iyada oo la tilmaamay in duqeyntan lagu taageerayey Ciidamada Puntland.

“Duqeymahan oo lala beegsaday goobo ay gabbaad ka dhigayanayeen argagixisada arxanka darran ee Daacish ayaa lagu taageerayay howlgal ballaadhan oo lagu ciribtirayo khawaarijta ee ay Ciimada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ka wadaan Buuralayda Caalmiskaad” ayaa lagu yiri warka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in iyada garabsanaysa saaxiibadeeda sida AFRICOM inay ka go’an tahay sii wadida howlgallada la gula jiro Kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo ay ku tilmaantay in qatar ay ku yihiin amniga iyo nabad galyada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed