Dagaalka xooggan oo saacado socday ka dib waxaa u suurta-gashay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaaka ee Macawisley in dib ula wareegaan deeggaanka Misaajid-Cali Gaduud ee Shabeelada Dhexe katirsan.
Inkasta oo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khaasaaraha ka dhashay, balse Wasiirka Amniga Hirshabeelle Mohamed Abdirahman Kheyre ayaa sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay Masaajid Cali Gaduud, isaga oo tilmaamay in aan la qabsan sida uu hadalka u dhigay.
“Kooxaha khawaarijta jab xoogan ayaa lagu gaarsiiyay degmada Masaajid Cali Gaduud oo saakay weerar naf la caarinimo ah kusoo qaaday, ciidamada qalabka Sidda ayaana hada wada howlgal lagu soo afjarayo haraadiga kooxda.” ayuu u yiri wasiir Maxamed.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka isaga baxay Masaajid Cali Gaduud, ka dib markii uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada, ayna joogaa meel hal 1-KM u jirta.
HBN ONLINE TV