Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ka qaybgalay munaasabadda diiwaangelinta casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas oo ka mid aheyd ballamadii uu ku soo galay Doorashadii dhacday bishii Nofeembar 2024.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa mid mid u kormeeray qalabka cusub iyo goobaha diiwaangelinta Ciidamada ee casriga ah sida faraha, indhaha & sawirka laga qaadayay Saraakiisha iyo ciidamada qaybahooda kala duwan ee Somaliland.
Sidoo kale, Cirro ayaa tilmaamay in nidaamkaan uu wax badan saxayo ciidamada Somaliland oo diiwaan la hubo maraya sidaasna loola soconayo xogta sida uu hadalka u dhigayaskari weliba iyo sarkaalka nidaamkaan mara.
Madaxaweynaha Somaliland Waxyaabihii uu ballanqaaday muddadii uu bannaan joogga ahaa ee uu ku dhaliili jiray Madaxweynihii ka horreeyay Muuse Biixi ayuu qaaday tallaabooyin uu ku buuxinayo si aanay markiisa laguugu dhaliilin.
HBN ONLINE TV