Qarax lala eegtay Kolonyo Madaxweynaha Soomaaliya oo sababay dhimasho iyo dhaawac wariyaal ay ku jiraan

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay kolonyo gaadiid ciidamo ah oo galbinayay madadxweynaha Soomaaliya taasi oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur baahsan, iyada oo weli la raadinayo dad lagu la’yahay.

Allaah u naxariistee dadka la xaqiijiyay ee ku geeriyooday waxaa ku jiray laba Wariye oo kala ah, Maxamed Abuukar Dabaashe iyo Ayuub Wardheere oo ka mid noqday tiro dad shacab ah iyo askar iskugu jiray oo qaraxu haleelay.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaasha mid meydkiisa laga helay dabaqa uu haleelay qaraxa, halka kan kalane uu dhaawac u geeriyada. Qaraxa maanta ka dhacay Isgoyska Xamar jajab oo marin u ah xiliga uu baxayo madaxweynaha Soomaaliya iyo kolanyadiisa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac kale.

Weli tirada guud lama oga inta ay gaarsiisan tahay, balse ilo gaar ah ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku dhawyihiin 10 ruux oo dhaawacune la jiro.

Ilaa iyo galinkii dambe ee maanta waxaa socda howlo meydad hor leh lagaga soo saarayay dhismaha uu qaraxa ka dhacay iyo dadaalo lagu raadinayo suurtagalnimada dadka ku hoos jira dhismaha oo si aad ah qaraxu ugu burburiyey.

Khasaraha muuqda ee qaraxu geystay ee warbaahinta heshay ayaa muujinaya burburka gaariga kuwa aanay xabaddu karin ah oo aad u burburay.

Laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay kolanyada madaxweyne Xasan Sheekh, oo socdaal ugu jiray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Alshbaab ee deegaannada Hirshabeelle.

Masuuliyadda qaraxa maanta dadka badan ku dhinteen oo ay sheegatay kooxda Alshabaab ayaa tilmaantay in sidii loo qorsheeyey uu u dhacay sida hadalka ay u dhigay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed