Ukraine oo maanta duqeyntii ugu ba’anayd ku qaaday caasimada Ruushka & meelo kale

Ukraine ayaa qaaday weerar ballaaran oo drone ah oo lagu beegsaday Moscow oo caasimada Ruushka ah, waxaana ku dhintey inta la xaqiijiyay laba qof halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo fara badan, waxaana uu geysatay weerarkaasi burbur weyn.

Weerarkan oo dhacay saakay aroortii , ayaa Kyiv ku sheegtay inuu yahay weerarkii ugu weynaa ee drone ah ee abid lagu qaado caasimadda Ruushka. Wuxuuna kusoo beegmay xilli Ukraine ay qorshaynayso inay soo bandhigto qorshe xabbad-joojin kooban oo lala yeelanayo Ruushka inta lagu jiro wadahadallo ay la yeelanayso saraakiisha Mareykanka oo ka dhacaya Sacuudiga.

Guddoomiyaha gobolka Moscow, Andrei Vorobyov, ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka oo billowday 4:00 subaxnimo xiliga Moscow, Weerarka oo ay ka qeyb ahaayeen boqolaal drone ayaa burburiyay dhismooyin la deggan yahay, sidoo kalena wuxuu sababay in la xiro garoomada diyaaradaha ee caasimadda.

Andriy Kovalenko, oo ka tirsan golaha amniga qaranka Ukraine isla markaana u xilsaaran la dagaallanka marin-habaabinta, ayaa sheegay in weerarka drone-ka uu farriin u dirayo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si uu u aqbalo soo jeedinta Kyiv ee lagu wado in lagu soo bandhigo Sacuudiga.

“Weerarkii ugu weynaa ee drone abid lagu qaado Moscow iyo gobolka Moscow ayaa la fuliyay,” ayuu yiri Kovalenko. “Tani waa calaamad dheeraad ah oo u sheegaysa Putin inuu daneynayo xabbad-joojin cirka ah.”
Sawirro laga soo qaaday dhismo guryo ah oo ku yaalla magaalada Sapronovo ee gobolka Moscow ayaa muujinaya burburka ka dhashay weerarka Ukraine.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in la burburiyay 337 drone oo ay dirtay Ukraine xalay, kuwaasoo 91 kamid ah lagu soo riday gobolka Moscow.

Duqa Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa horey u tilmaamay weerarkan inuu ahaa “weerar ballaaran oo ay Moscow ku soo qaadeen drones cadow ah”, kuwaasoo lagu fashiliyay difaaca cirka ee Ruushka.
Sobyanin wuxuu sheegay in drones lagu soo riday magaalooyinka Ramenskoye iyo Domodedovo oo ku yaalla gobolka Moscow, kuwaasoo 40-50km oo kaliiya u jira aqalkaKremlin-ka ee looga arimiyo Ruushka.

Hay’adda duulimaadyada Ruushka, Rosaviatsia, ayaa sheegtay in la xayiray duulimaadyadii ka bixi lahaa afar garoon oo Moscow ah, oo ay ku jiraan Domodedovo, Vnukovo, Zhukovsky iyo Sheremetyevo.
Weerarkan ayaa dhacay xilli mas’uuliyiinta Ukraine iyo Maraykanka ay ku kulmayaan Sacuudiga si ay uga wada hadlaan heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, iyo la-taliye sare oo dhanka amniga u ah Madaxweynaha Donald Trump, Mike Waltz, ayaa ka qeyb galaya wadahadaladan. Waa kulankii ugu heerka sareeyay ee ay saraakiisha Kyiv la yeeshaan Mareykanka tan iyo kulankii fashilmay ee Aqalka Cad 28-kii Febraayo, markaasoo Trump uu si adag u canaantay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Tan iyo markii Trump uu si kulul ula hadlay Zelenskyy, Mareykanka wuxuu hakiyay gargaar militari oo uu siin jiray Ukraine, wuxuuna xannibay wadaagista xogta sirdoonka iyo adeegsiga sawirrada dayax-gacmeedka si uu Kyiv ugu qasbo inuu miiska wadahadalka yimaado.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed