La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxwaynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka hadlay wararka sheegaya in Alshabaab ay dib u soo laba kacleyeen ayaa tilmaamay inaysan jirin Qatar wayne oo kooxda la xiriirta oo soo korortay.
Xuseen Macalin oo ku eedeeyey in wararkaasi ay buunbuniyeen dad u badan soomaali oo uu carrababay inay is barbar dhigayan dhacdooyin ka dhacay caalamka iyo xaaladda Soomaliya ka jirta ayaa sheegay inay mucaaradnimo u gaysay arinkaas.
La-taliyaha oo ka hadlay digniinaha amni oo ay soo saartay safaarada Maraykanka ee Muqdisho ayaa sheegay in ay waxba ka duwneyn fariimihii digniinta ahaa ee hore dalalku ay ugu diri jireen muwadiniintooda.
Waxa uu sheegay in Maraykan uu ka qayb qaato taakulada amaanka Soomaliya, gaar ahaan taageerada uu siiyo Ciidanka kumaandoosta Danab oo Washington ay bixiso tababarka iyo saanadooda ciidan, balse ay jartay 4% taageerada ay siin jireen oo mushaaraadka ciidanka ahaa, taasi oo u dhiganta 12 Milyan oo Doollar.
HBN ONLINE TV