Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar mamnuucaya in wax hub ah iyo gaadiidka milatariga lala galo aagga garoonka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar mamnuucaya in askarta hubeysan iyo gaadiidka milatariga ay galaan aagga garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, saacado ka dib markii Dowladda Maraykanka soo gudbisay digniino amni.

Go’aankan oo lagu dhawaaqay maanta oo Khamiis ah ayaa yimid kadib markii shir ay yeesheen golaha Wasiiradda Soomaaliya laga soo saaray go’aanno muwaadiniinta lagu faray in mamnuuc ay tahay in si toos ah ama si dadban loogu isticmaalo warar khalkhla galin ah warbaahinta bulshada, taasi oo ay ka dhalan doonto sida warka loo dhigay ciqaabo adag oo Maxkamadeed.

Sida oo kale, Bayaanka ka soo baxay golaha Wasiiradda oo warbaahinta u akhrisay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shaaca ka qaaday inay dambi tahay shaqsigii ogaalada in gurigiisa, Rugtiisa ganacsi iyo Gaadiidkiisa lagu fuliyo fal-dambeed amniga wax u dhimaya, taasi la mid ah sida warka u dhigay in isagu uu ka qeyb qaaday, lana qaramayn doono Hantidiisa.

Muwaadiniinta ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka Alshabaab ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ka fogaan, kana taxadaraan maadama ay socdaan dagaallo cir iyo dhul ah.

Dowladda ayaa ku goodisay in howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaalmayo kooxda Alshabaab ay u badi ahaan doonto kuwa cirka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed