Madaxii dilalka qorsheysan ee Daacish oo isu dhiibay Ciidamada Puntland ee gobolka Bari

Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad ayaa soo bandhigay xubin ahaa madixii dilalka qorshaysan Daacish sida hadalka loo dhigay oo isa soo dhiibay.

Ninkaan ay sheegeen ciidamadu inuu isu soo dhiibay ayaa ka soo baxday kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, sida iyagu warka u dhigeen, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor).

Laahoor ayaa lagu soo bandhigay deegaan hoosyimaada degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii uu ka soo cararay sida warka loo dhigay kooxda Daacish oo dagaal adag ku wajaheysa bishii 3-aad oo xariir ah.

Maxkamadda ciidanka qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Laahoor oo lagu helay inuu ka mid ahaa sida warka u dhigtay kooxaha Daacish iyo Alshabaab, uuna hoggaaminayey Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gudaha Magaalada Boosaaso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed