Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in maleeshiyaadkii joogay xarumaha dowladda ay hadda ku wareejiyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya xaruntii dhexe ee looga talinayey gobolka Hiiraan.
Taliya Sanbaloolshe ayaa balan qaaday in dib u dhis lagu sameyn doono xarumaha dowladda kala gala wareegtay kooxaha maleeshiyaadka ah, iyada oo goobaha lagu wareejiyey ay ugu weyn tahay xarunta guud ee Amniga Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale, waxaa uu carrabaabay in siyaasad dambe oo kala aragti duwanaan ah aan laga aqbali doonin gobolka Hiiraan, isaga oo faray in lagu midoobo hal maamul oo ah Hirshabeelle.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in intii lagu mashquulsnaa siyaasadda ay kooxda Alshabaab isku diyaariyeen dib u qabsashada deegaanadii la xoreeyay sanadadii hore.
Dadka shacabka ah ee gobolka oo uu sheegay in kaalin ay ku lahaayeen dagaalka Kooxda Alshabaab ayuu faray inay ka howlgalada iyo dib u xoreynta bilaabatay ay kaalin ka qaataan, iyaga oo sida oo kalane ka faa’iideysanaya wax soo saarkii caanku ku ahaa gobolka Hiiraan.
HBN ONLINE TV