Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in xalinta khilaafkii u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu muujinayo tilmaanta fahamka dublamaasiyadda ee Turkiga ee soo saarista xal waara oo gobolka ah.
Hakan Fidan ayaa xusay in la dhameystiray “weji muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafkii muddada dheer” u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo 8-dii bilood ee la soo dhaafay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu si shaqsi ah u hoggaaminayey geeddi-socodkan, si la gaaro xasillooni iyo nabadda qaaradda Afrika.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ay si taxadar leh Turkigu u dhageystay arrimaha xasaasiga ah, iyada oo dhinacyada ay isla diyaariyeen baaqii Ankara, kaas oo ay ku heshiiyeen in labada dal ay gacan ka geystaan xasiloonida gobolka.
Bayaankan wadajirka ah ayuu tilmaamay in uu diiradda saarayo mabaadi’da ku saleyn iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.
“Wixii hadda ka dambeeya, waxaan sii wadi doonnaa taageerada horumarka laga gaarayo, geeddi-socodka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada” ayuu yiri Fidan.
Arbacadii, Turkiga ayaa qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee xalka geeddi-socodka nabadda Geeska Afrika, iyada oo la soo bandhigay “heshiiskii Ankara” ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.
Heshiiska oo Turkiga uu majaraha u hayo ayaa dhigaya in Dhinacyadu ay garwaaqsadeen faa’iidooyinka kala duwan ee ka iman kara laba dhanba. Labada dal ayaa waxay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa natiijooyinka ku saabsan ganacsiga labada dhinac oo faa’iido u leh.
Iyadoo la raacayo u jeeddooyinkaas iyo fududaynta ka timid Turkiga, dhinacyadu ayaa go’aansaday in ay bilaabaan wada-xaajoodyo farsamo dhammaadka bisha Febraayo ee sanadka soo socda ee 2025.
Labada dhinac ayaa soo dhoweeyay taageerada Turkiga ee fulinta ballanqaadyadan, waxayna u mahadceliyeen Madaxweyne Erdogan qaab uu isugu howlay iyo sida labada is fahamkooda kaalin mug leh uu uga qaatay.
HBN ONLINE TV