Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay weerar maalin cad ah oo Kooxda Alshabaab ku qaaday degmada istaatiijiga ah Afgooye, ka dib markii iyaga iyo ciidamada Dowladda uu dagaal kooban ku dhexmaray.
Dagaalka oo xoogiisa uu ka dhacay Xerada Milatariga ee Haanta dheer ee degmada Afgooye ayaa waxaa laga soo wariyey in laga maqlayey jug culus iyo dhawaqa rasaasta la isu adeegsaday.
Dad goobjoogayaal ayaa soo tabiyey in goobta uu dagaalka ka dhacay tahay hadda mid deggan, iyada magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weli laamaha amniga ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka degmada iyo macluumaad dheeraad ah oo la xariira.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in weerarka ka hor kooxda Alshabaab ay qarax ku bilowday, inkasta oo khasaaraha ka dhashay la ogeyn.
Sida oo kale, laamaha Amaanka ayaa la soo sheegay in howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan gudaha iyo hareeraha magaaalada, waxaana dadka qaar shaki ka muujinayaaan sida suurtagalka ugu noqotay kooxda in maalin cad ay weerarto magaalo dowladda muddo ka heysatay.
Magaaalada Afgooye ayaa waxaa mara wado istiraatiiji ah oo isku xirta dhaqdhaqaaaqa ganacsi iyo isku socodka gobolada Shabeellaha hoose iyo Benaadir, taasi ka dhigtay xuddun muhiim ah oo maamusha dhaqaalahada labada gobol.
HBN ONLINE TV